...

Adalbooks

No Image Available

CALMAANIYADDA DAACUUNKA CASRIGA

 Author: SHARMAARKE MAXAMED CIISE  Category:  Tags: calamaaniyadcalmaanyadda pdfwaa maxay calmaani? |  Download Free
 Description:

Calmaaniyadda waxa ay u taagan caqiido baaxad weyn leh oo saameyn
kuleh nolosha cusub ee casrigan haday tahay dhan dhaqaale, dhaqan , qaab
fikir iyo dhinac siyaasadeedba taas oo keenaysa in dooddeedu noqoto mid
marba soo cusboonaata oo aan afka laga dhigin mid u heellan iyo mid
kasoo horjeedaba.

Hadalhaynta badani waxa ay keenaysaa in marba boodhka laga tumo ka
hadalka caalamaaniyadda yada oo la daahfurayo ujeedka erayga lana
toosinayo eraybixinta kadibna la tilmaamayo waxa ay keeni karto ee ka
dhalanaya iyo halka ay ku danbayn karto.
Waxa uu yidhi Shaykh Al Islaam Ibnu Taymiyah “Qofka aan garan
sababaha keena mabaadi’ida haba ahaadaan qaar khaldan
mabaadi’idaasiye uma suuro gal aha in uu daweeyo ama ka
warceliyo shubuhaadkooda”

manhajkaas ayuu raacayaa Dr Saami
Caamiri oo ah aqoon yahan tuunisi ah oo ku takhasusay cilmiga is
barbardhiga diimaha marka uu miisaanka saarayo dhiganihiisan
” العالمانية طاعون العصر, كشف المصطلح وفضح الداللة ”
Ee uu soo saaray xarunta Takween sannadii 2017kii oo ka kooban 337 bog.
Waxa la is weydiin karaa miyaan hore wax looga qorin mawduuca
calmaaniyadda maxaa uu buuggani kaga duwan yahay buugaagtii hore
mawduucan qaadaa dhigtay?

Waxa uu buuggan kaga duwan yahay buugaagta kale sida qoraagu uga
duwan qorayaasha hore wax uga qoray mawduucan waxana ka mid ah
waxyaalaha quruxda usamaynaya buuggan arimahan soo socda:-
1- Waxa uu qoraagu aqoon durugsan u leeyahay luuqadaha cusub ee Arabic,
English iyo French ka, waxa sidaas oo kale uu aqoon u leeyahay luqadihii

Download now


 Back
Scroll to Top
Verified by MonsterInsights
Seraphinite AcceleratorOptimized by Seraphinite Accelerator
Turns on site high speed to be attractive for people and search engines.