...

Adalbooks

 Description:

AMMANE, Cirku murugaysan, oo daruuro ka qaawan. Dhulko
naxariisdaran, oo doog ka caaggan. Waa barqo
baasaysan, oo ciiddu uumibaxayso.

Dhulna ka dheer, cirkana carrab la ma gaadhi
karto. Maxaa ka xun in meydkaaga waayuhu aaso? Aas
aan loo goobjoogin. Aas, aan la ga warqabin. Aas, aan
la garanayn cidda la aasayo. Ma aha aaskii xaabasha ee
uu calfanayay aboorku jidhka bilaa ruuxda ah. Waa aas
qofka la aasayo isaga oo nool.

Kolka hore rejaxumo ayaa quusgoynaysa. Ciil iyo
qoomamo ayaa tamardhigaya. Si baasaysan ayaa uu
barraaqsanayaa. Waxa uu aqbalayaa in uusan cid
lahayn ceelna u qodnayan. Baahidii ayaa iyana
shaqadeeda qabsanaysa. Ciidda laq, ayaa qabsanaysa.
Se maxaa uu ku liqi? Ma kaadidiisa ayaa uu
baabacooyinka u dhigan? Se haddii uusan gororna ku
jirin ka warran?

DOWNLOAD NOW


 Back
Scroll to Top
Verified by MonsterInsights
Seraphinite AcceleratorOptimized by Seraphinite Accelerator
Turns on site high speed to be attractive for people and search engines.