...

Adalbooks

No Image Available

100 MAQAAL IYO BARAKADA QALINKA

 Author: CABDILAAHI M.CAWSEY  Category:  Tags: 100 MAQAAL IYO BARAKADA QALINKA |  Download Free
 Description:

100 Maqaal iyo barakada qalinka, Waqtigii aan yaraa waxaan ahaa wiil muran badan oo jecel in fekradaha
maskaxdiisa ka guuxaya la wadaago dadka ka waaweyn. Muddo markii aan
murmayay ayaan ogaaday in muranka macno badan lahayn waayo qof walba
qumanihiisa ayaa qoorta ugu jiri doona illaa qiyaamaha laga gaarayo.

Maadaama maskaxdayda marwalba mashquul ahayd, murankii lagu nafisi
lahaana macno darro noqday, waxay noqotay in dhanka qoraalka aan ka
wardoono isla markaana aan qoro qalad iyo sax waxa aan ka fekerayo markaas.
Wixii ka danbeeyay sannadkii 2004 illaa hadda waxaa si joogto ah u qorayay
maqaallo kala duwan oo ku saabsan mawduucyo cilmi ah oo aan xiisayn jiray
iyo duruufaha u gaarka ahaa nolosha guud ee Soomaalida.

Maqaalladaas waxay gaarayaan boqollaal, waxaana ku jira qaar badan oo muujinaya in
garaadkayga wali si fiican u qaan gaarin markii aan qorayay. Culumada nafsiga
waxay qabaan in qofka dhallinyarada ah inta uu ka gaarayo da‟da 25 sanno in
koriinshaha maskaxdiisa wali si fiican u cago dhiganin!

Dhanka kale, maqaalladaas waxaa ku jira qaar badan oo tilmaamaya in aan
xiiseeyo falsafadda, cilmiga bulshada, cilmi nafsiga iyo, fahamka diinta iyo
khalaawada qalinka. Waxaa laga yaabaa maqaallada ku saabsan mawaadiicdan
in aan qoray markii caqligayga cago dhigtay oo da‟da 25 sanno aan dhaafay.

Hadda oo la joogo da‟dii aan ka tallaabi lahaa xadka u dhaxeeya dhallinyarada
caadiga ah iyo dhallinyarada cuslaatay, waxaan go‟aansaday in maqaalladaas
aan ku uruuriyo buuggan la magac baxay: Boqol Maqaal iyo Barakada Qalinka!
Akhristasha sharafta leh wuxuu buuggan ugu tagi doonaa shan cutub oo kala
madax bannaan.

Cutubka koowaad waxaa lagu uruurriyay maqaallo la qoray
waqtiyo kala duwan balse ku midoobay dallada falsafadda iyo fahamka cilmiga
casriga ah ee sayniska. Sidoo kale, cutubka labaad ee buugga waxaa loo
gaaryeelay maqaallo muujiyana qiimaha caqliga iyo dhaxalka cilmi nafsiga!
Dhanka kale, cutubka saddexaad ee buugga waxaa ku bahoobay maqaallo
xiliyo kala duwan dhashay balse ku abtirsada bahweynta cilmiga bulshada iyo
siyaasadda Soomaaliya.

Dhinaca kale, cutubka afaraad waxaa isku bahaystay maqaallo aan badnayn
balse qaraabo hoose ah kuwaas oo u taagan difaaca diinta islaamka iyo fahamka
fudud ee nolosha. Ugu danbayntii, cutubka shanaad ee buugga waxaa xaflad
sagootin ah loogu qabtay qoraallo muddo ku soo jiray khaalawada qalinka isla
markaana muujiyay quruxda iyo xikmadda nolosha!

Ujeeddada ugu weyn ee buuggan waa in akhristaha sharafta leh uu helo buug ay
ku uruursanyihiin mawaadiic kala duwan oo maskaxda fakeraysa ku jimicsan
karto marka ay ku caajisto mashquulka iyo maalayacninga nolosha.
Waxaan ka afeefanayaa in buugga qalladaad badan oo xagga qoraalka iyo
fekerka ah ku jiri karaan maadaama uu ka koobanyahay maqaallo waqtiyo kala
duwan la qoray. Waxaan rajeynayaa in akhristaha sharafta ila wadaagi doono
naqdinta khaladaadkaas si daabacaddaha danbe ee mustaqbalka looga saxo.
Akhris wacan.

 

DOWNLOAD NOW


 Back
Scroll to Top
Verified by MonsterInsights
Seraphinite AcceleratorOptimized by Seraphinite Accelerator
Turns on site high speed to be attractive for people and search engines.