...

Adalbooks

No Image Available

10KA MAGAC

 Author: CALI JAABIR AF FIIFI  Category:  Download Free
 Description:

10ka magac, Waxa hubaal ah qalbiga oo ku xidhma,
barta, iska jira, jeclaada, ka baqa, isla markaana fisha Ilaahay SWT,
sida uu yahay sirta liibaanta aakhiro, si la mid ah in uu u yahay sirta
badhaadhaha iyo barwaaqada ifkan. Sidoo kale, xilliyada ay inala
soo darsaan tiiraanyada, waswaaska iyo dhibaatadu;

xaaladahan is huwani si dhammaystiran ayay u idlaan doonaan haddii uu
addoonku si dhab ah qalbigiisa ugu jeediyo xagga Allaha aan u
abuurin wax aan ahayn cibaado. Irridda magacyada Ilaahay ee
wanwaagsani, waa mid iimaaniya oo weyn. Albaabkani, addoonka
waxa uu gelinayaa caalam dahiran oo gaar ah.

Nafta waxa uu ka
dhigayaa mid la sujuudda weyni, ruuxdana waxa uu ka dhigayaa
mid u go’da hogasho iyo jacayl. Ujeeddada aan u qoray buuggani
waa in uu idin tuso Ilaahay, waa in uu farta ku fiiqo qadhiidh yar
oo ka mid ah deeqihiisa, waa in aan xasuusiyo walaalahay in Alle
awoodo wax kasta oo fadligiisu weyn yahay, isla markaana uu
yahay maqal iyo arag badane.

Waxa aan doonayaa weedhahan in aan ku masaxo, kuna
bogsiiyo garbo ay daashatay gaajo iyo madaxyo la ildaran
xanuunno. Waxa aan danaynayaa xuruuftayda in aan ku aaso illin,
kuna damiyo holaca ka baxaya feedhahan. Haddii aynaan baran
magacyada Ilaahay ee wanwaagsan, waxa aynu ku dhex
dayoobaynaa lama degaanka. Maalmeheenna waxa baabi’inaya
kulka, kaarka iyo kadeedka lama degaankan.

Sidoo kale halis
joogto ah ayuu innagu haynayaa walbaarka naftu. U dooro Alle:
aqoon ahaan, iimaan ahaan, kalsooni ahaan iyo cibaado ahaanba. Intaas
kadibna ka dhigo: wehel, liibaan iyo deganaan. Ama dooro: dayow,
dayac, cidhiidhi, in aad dareento quus iyo qarracan-nafeed

 

DOWNLOAD


 Back
Scroll to Top
Verified by MonsterInsights
Seraphinite AcceleratorOptimized by Seraphinite Accelerator
Turns on site high speed to be attractive for people and search engines.