...

Adalbooks

No Image Available

BARASHADA AFKA MAAYGA

 Author: Cabdi Raxmaan Yoonis Abshir  Category:  Download Free
 Description:

Barashada af maayga, buuggan wuxuu si kooban uga hadlayaa farta
maayga(Alphabets) taas oo aad u anfacaysa dadka ku hadli
kara afka maayga iyo sidoo kale dadka aan aqoon u lahayn
afka maayga wuxuu ka caawin doonaa buuggan haduu Alle
idmo inay bartaan ereyada aasaasiga ah iyo jumladaha
caanka ah ee afka maayga iyo sida loo qoro.

Sidoo kale wuxuu u sahli doonaa inay si wanaagsan u
fahmaan dadka ku hadla afka maayga oo maanta dad badan
oo soomaaliyeed aan aqoon u lahayn xitaa inuu jiro af lagu
magacaabo maay oo malaayiin soomaaliyeed ku hadlaan,
sidoo kale dad badan oo soomaaliyeed ayaa ka carooda
qofkii afkan kula hadla, annaga oo og in kala duwanaanshaha
afku kamid yahay aayadaha ilaahey Subxaanahu watacaalaa,
ilaahey Sw wuxuu ku yiri quraankiisa

ْ وألواِو ُكم إن ِفي ذاِلك أليا ٍت ِللعاِل ِميه
َسماوا ِت واالر ِض واختال ُف أل ِسَىِت ُكم
اِتِه خْل ُق ال

” Waxaa ka mid ah Aayaadka ku tusin (Qudrada) Eebe
samooyinka uu abuuray iyo Dhulka iyo kala duwanaanta
Afkiina (Luuqada) iyo midabkiinaba, taasina calaamad ayaa
ugu sugan kuwa Cilmiga leh” Suuratu Ruum aayadda 22.

Umadda soomaaliyeed waxay inta badan isweydiiyaan in af
maaygu leeyahay far u gaar ah oo la qori karo, balse waxaa
la heli karaa buugaag ciidaas ka badan oo af maaygu laga
barto cidii xil iska saarta barashada afmaayguna waa ay heli
karaan buugaag Maay ah oo English ku turjuman waan u
imaan doonaa taariikhdii la qoray farta maayga laakin
buuggii ugu horeeyay ee afka maayga aan akhriyey wuxuu
ahaa Elif Maay wuxuuna ku qornaa English 2014 tii ayay
ahayd inkastoo anigu aan ku soo dhex barbaaray deegaan
afmaayga looga hadlo si wanaagsan ayaan ugu hadli jiray

Afmaayga, qaar badan oo dadkeena kamid ah ayaa iska
dhaadhiciyay inaysan afmaaygu baran karin laakin English ka
iyo Carabigu waa ay baran karaan, Cajiib! Waxay isku
qanciyeen in barashada maaygu aan waxba ku soo
kordhinayn balse ma oga in afmaaygu yahay af dhamaystiran
oo aan erayo iyo kalmado shisheeye laga heli karin.

Noloshayda inteeda badan waxaan ku qaatay magaalada
Baydhabo iyo degmooyinka ku teedsan fursadna uma helin
inaan inbadan joogo dhulka looga hadlo (Maxaaga)
badalkeeda intaan ku ekaan lahaa afmaaygayga waxaan
bilaabay barashada maxaaga ka hor intaan dugsiga hoose
bilaabin sidoo kale dhagaysiga dadka ku hadla maxaaga sida
warbaahinadda,Barnaamijyada Tv-yada iyo
Raadiyaasha,Muxaadarooyinka culimada,sheekooyinka
xikmada leh, iyo akhrinta buugaagta dugsiyada
hoose,dhexe,sare, iyo buugaagta kale waxay iga caawisay
inaan si wacan ugu hadlo una qoro afsoomaaliga(Maxaaga).
Ugu dambayn tallaabooyinkan aan qaaday hadii aad u
adeegsato barashada maayga waxaad si qoto-dheer u baran
doontaa afka maayga sidoo kale inaad kula hadli karto qof
maayga ku hadla hadii aad la kulanto waa qodob kale oo
muhim ah.

DOWNLOAD NOW


 Back
Scroll to Top
Verified by MonsterInsights
Seraphinite AcceleratorOptimized by Seraphinite Accelerator
Turns on site high speed to be attractive for people and search engines.