...

Adalbooks

 Description:

Albert Manguel, qoraaga “A History of Reading,” ayaa ku
tilmaamayay akhrisku in uu nafta aadanaha muhiim ugu yahay
sida neefsashaduba muhiim ugu tahay. Waxa kale oo uu ku
cabbirayaaba in akhrisku yahay “Furaha fahmidda dunida.”
Haddiiba aad rabtid in aad dunidan fahamntid, oo aad
ballaadhisid aqoonta aad u leedahay, wax akhri, weeye talada
Manguel. Dhanka kale waxa uu Albert Manguel iyo buuggiisu
banka keenayaan taariikho wax-akhris oo aad u durugsan.
Aristotle iyo Ibn Haysam ayaa uu soo qaadanayaa oo
akhriska laga fujin la’ yahay.

Taariikhdaa uu soo gudbinayay Tim Lambert mid ka
shishaysa ayaa aynu ku arki karnaa buugta iyo qoraallada
taariikhda akhriska. Waxa aynu arkaynaa iyada oo dadka wax
akhriya ee buugta la jaalka ah dib loogu celinayo Ciise Hortii.
Waxa se aynu isku oggolaysiin karnaa labada tebinood, in
Lambert iyo asaaggii ay ka hadlayaan taariikhda akhriska ee
waddamadooda, balse aanay dunida oo idil ka wada
turjumayn.


 Back
Scroll to Top
Verified by MonsterInsights
Seraphinite AcceleratorOptimized by Seraphinite Accelerator
Turns on site high speed to be attractive for people and search engines.