...

Adalbooks

No Image Available

CAWAYSYADA SAAMALAYLKA

 Author: CALI ILEEYE  Category:  Tags: CALI ILEEYECAWAYSYADA SAAMALAYLKA 2023 |  Download Free
 Description:

Cawaysyada saamalaylka, Soomaalidu waxay caan ku
tahay cabudhinta dareenka dabiiciga ah
ee qofka. Inaad sarbeeb iyo sogordoh
kusoo gudbiso shucuurkaaga mooyee,
si saraaxa leh haddii aad u bandhigto,
waxa laguugu jawaabayaa waayaha
laabtaada ku hayso.

Dabarkan dhaqan
ee qalafsan, wuxuu sal ku leeyahay
miyiga iyo nolosha raacatada ee diifta
badan. Xoolaha maalin oo dhan waa la
foofiyaa, toddobaad kastana waa la
arooriyaa; jiilaal iyo abaar kasta waa la
raraa, baad iyo biyo ayaana loo
raadiyaa.

Taasi waxay ka dhigtay qofka
Soomaaliga ah ee raacatada ahi inuu
noqdo dhagax, aan damqasho lahayn,
oo ka qatan dareenka naxariista iyo
raxmadda ee noolaha. Magaalagalkii
kadib, Soomaalidii waxay noqdeen
kuwo dusha ka xidhan dhar magaalo,
balse hoosta ku wata dhuuxii
raacatada.

Qofna kugu ma boorrinayo
in aad cabato, balse xasuusnow inay
dabiici tahay inay ilmadu dhabankaaga
qoyso marka aad sagxadda taallo, iyo
inay gawsahaagu qosol dartii
muuqdaan marka aad figta ku taagan
tahay. Taas haddii la waayo, shucuur
kasta oo aad gudahaaga ku cabudhisaa,
oogadaada ayuu ka soo muuqanayaa
isaga oo cudur ah, sida ay culimada
nafsigu sheegeen.

DOWNLOAD


 Back
Scroll to Top
Verified by MonsterInsights
Seraphinite AcceleratorOptimized by Seraphinite Accelerator
Turns on site high speed to be attractive for people and search engines.