Cilmiga nafaqada, ugaan wuxuu ku saabsan tahay dadka
cabiraadda heerka nafaqada dadweynahuna waa
mid ka mid ah tusiyaasha ugu muhiimsan ee
lagu ogaado baraaraha/horumarka Bulshada,
mana jirto meel ay uga muhiimsan tahay
waddamada ay naafeeyeen dhibaatooyinka iyo
Mushkiladaha, sida Soomaalya oo kale.
Maqnaanshaha ilaha kale ee xogta assaasiga ah
ee Soomaaliya ayaa baahida loo qabo in la helo
macluumaad wax ku ool ah oo la xiriira heerka
nafaqada sii kordhisay. Hay’adaha dawliga ah
iyo kuwa aan ahaynba waxay ururiyaan, darsaan,
oo isticmaalaan macluumaad. Kororka xaddiga
nafaqodarada dadka Soomaalida ah ( oo ay ku
jiraan soomaalida ku dhaqan wadamada deriska
ah sida Itoobiya iyo Kenya) ayaa keentay in
falanqayn dheeraad ah lagu sameeyo sababaha
keenaya nafaqodarrada.
Iyadoo ay qayb ka ahayd balaanqaadkii
hay’adda Beeraha iyo Cuntada ee Qaramada
Midoobay (FAO) oo ahaa in la horumariyo
xaaladda nafaqada ee dadka soomaliyeed, ayey
waxay taageertaa hergelinta falanqeynta heerka
cunto helidda iyo la socodka heerka nafaqada ee
ay fuliso Waaxda Falanqaynta heerka Cunta
helidda ee Soomaaliya (FSAU).
FSAU waxay la shaqaysaa Hay’ado xiriir wadashaqayneed ka
dhexeeyo si loo xoojiyo tayada maclumaadka la
xiriira nafaqada Soomaaliya. Wada
shaqayntaasina waxay ahayd mid sii
xoogaysanaysa wixii ka danbeeyey sanadkii
2000, FSAU waxay hormuud ka tahay,
falanqaynta, kaydinta iyo baahinta
macluunaadka la xiriira nafaqada soomaaliya.
Sida ka dhalatay ka qaybgalkaas waxaa jirey
iskaashi xoogan oo u dhexeeya dhammaan
qaybaha gaar ahaan qaybaha falanqaynta cunta
helida iyo caafimaadka, tani waxay wax ka
tartay dadaalada loogu jiro kor u qaadista
baraaraha bulshada somaaliyeed.
Iyadoo laga jawaabayo baahida ka imaanaysa
hay’adaha bahwadaagta ah (partners) ee la
xiriirta in la helo macluumaad sugan oo ku
saabsan maaraynta xogta nafaqada ayaa waxaa
la soo saaray agab badan (material) sanadihii ka
danbeeyey 2000, waxaa la mideeyey
habraacyaddii, waxaana kaloo la soo saaray
hagayaal iyadoo loo maray wada tashi iyo
tijaabooyin lagu sameeyey goobaha shaqada.
Intii lagu jirey sanadihii ee ina dhaaftey agabkaa
la soo ururshey, ayaa loo isticmaalay xilliyadii
tababaradii maareeyayaasha heerka dhexe,
tababaradaasi waxay ka dhaceen goobo kala
duwan sida Somaliland, Puntland iyo Gobollada
Koonfurta Soomaaliya.
Back