...

Adalbooks

No Image Available

RAG IYO RABI

 Author: AWEIS A. ALI  Category:  Tags: RAG IYO RABI |  Download Free
 Description:

Rag iyo rabi, Maansada buuggan dhex ceegaagta waxaa la curiyay dhammaantood
(mid mooyee) 1994-1995. Dabcan af- Soomaali ayaa lagu curiyay
suugaantan waxaana durba u turjumay af Ingiriis gabyaaga.

Howlgalkii Qaramada Midoobay ee rejo soo celinta Soomaaliya
(UNOSOM) ayaa ku martiqaaday suugaanlayda Soomaaliyeed in ay
hab tixeed uga qayb qaataan nabadaynta dalka. Suugaanlay badan
ayaa dalbaday in ay ololahaas ku nabadaynta suugaanta ka mid
noqdaan balse waxaan ka mid ahaa tiro maansooleey Soomaaliyeed
oo shan ahaa oo Waaxdii Saxaafadda ee UNOSOM ay dooratay.

Ragga kale ee la doortay waxaan ka xusuustaa Maxamed Cali Kaariye
iyo Maxamed Gacal Xaayow. Raggaas ayaa magac weyn ku leh fanka
iyo sugaanta Soomaaliyeed.
Waxaan u bixiyay buuggan Rag iyo Rabbi waayo marka xaajo
gurrucanto ayay Soomaalidu sheegtaa in loo baahan yahay rag iyo
Rabbi si looga baxo murrugmaarrugta.

Waxaa kale oo intaas dheer in Soomaalidu ku maahmaahdo, jinni ninki keenaa bixiya. Maadaama
raggu ay dhaliyeen dhibaatada colaadeed ee dalka jilbaha dhulka u
dhigtay, micne wayn ayay samaynaysaa in ay iyagu xalka keenaan
iyaga oo kaashanaya Rabbiga. Dalku weli wuxuu u baahan yahay rag
iyo dumar iskaashada oo Eebbe talo saarta si loo demiyo dabka weli
huray.

DOWNLOAD


 Back
Scroll to Top
Verified by MonsterInsights
Seraphinite AcceleratorOptimized by Seraphinite Accelerator
Turns on site high speed to be attractive for people and search engines.