...

Adalbooks

No Image Available

XAKAME

 Author: CALI M. DIINI  Category:  Tags: XAKAMEXAKAME PDF |  Download Free
 Description:

Xakame, In badan ma ku hammisay in aad samaysid isbeddal
nololeed oo ka duwan ka na qiime iyo qaaye wayn
nolosha aad hadda ku nooshahay? In badan ma ku
riyootay adiga oo ka dhabeeyay himmigaagi iyo
higsigaagi aad muddo dheer naawilaysay in aad maalin
un gaari doontid?

Ma aragtay oo ma kuu sawirmay
hummaagga kobtii himiladaadu ahayd adiga oo gaaray
oo ku naaloonaya noloshadii aad maalmo iyo habeenno
badan ku hamminaysay? Ma kuu bidhaameen martabadii
iyo derajadii aad jamatay oo aad gaartay? Ma jeexatay
yoolal aad is lahayd ku gaar oo kaga dhabee higsigaaga
iyo figta sare ee aad gaaristeeda in badan naawilaysay?

Haddana had iyo jeer ma is aragtaa adiga oo aan weli
bartii ka dhaqaaqin oo weli ku nool noloshii aad rabtay
in aad ka digarogatid? Marar badan ma go’aansatay in
aad ka dhabaysid riyadaada ma na ku dhaqaaqday
tallaabooyin aad ku jirinaysid gaarista himiladaada
haddana maalmo ka dib ma ka caajistay oo faraha ma ka
qaadday? Haddaba, buuggani waxa uu ku barayaa
xirfaddii iyo farsamaddii aad himiladaada iyo higsigaaga
ku xaqiijin lahayd. Waxa uu ku barayaa dawada caajiska,
wahsiga iyo xoogdaliignimada mar walba kaa hortaagan
ka dhabaynta riyadaada. Farsamadaas iyo tabahaas oo ah
“iska adkaanta iyo xakamaynta” naftaada.

Waxa aad buuggan ku baran doontaa waxa iska adkaanshuhu (Selfdiscipline) yahay asaga oo ku siinaya tabaha aad ku
noqon kartid qof iska adag oo goor walba ku foogan
xaqiijinta gaarista himiladiisa iyo higsigiisa
mustaqbalka.

Sida aad ku arki doontid cilmibaarisyo si cilmi ah loo
hubiyay oo gudaha buuggan ku jira, iska adkaantu waa
furaha guusha ma na jiro qof guul iyo horumar gaaray
asaga oo aan noqon qof iska adag. Brian Tracy oo ah
qoraaga buugga “NO EXCUSES: THE POWER OF
SELF-DISCIPLINE” waxa uu yiri “iska adkaantu waa
furaha nolol qaayo leh haddii la waayana ma jiri doonto
guul waarta.”

Si aad ku noqotid qof iska adag waxaa lagamamaarmaan
ah in aad baratid waxyaabo badan oo la’aantood ayan
suuragal ahayn in aad iska adkaatid, kuwaas oo ay ka
mid yihiin caadada (habits) iyo siyaabaha caadooyinku
ku abuurmaan, iyo siyaabaha caado wanaagsan oo cusub
lagu qabatimo mid xunna la isaga gooyo, tabaha looga
faa’idaysto awoodda daahsoon; iyo siyaabaha lagu
xakameeyo damaca fidnaysan.

Waxa kale oo buuggan aad ku baranaysaa maaraynta waqtiga iyo joogtaynta oo
la’aantood aadan noqon karin qof iska adag,
la’aantoodna aadan guul iyo horumar gaari karin. Waxa
aad buuggan ku baran doontaa tusaalayaal iyo
isbarbardhigyo lagu sameeyay dad ku guulaystay
yoolashoodi oo higsigoodi iyo himilooyinkoodi
xaqiijiyay iyo kuwa guuldarraystay; iyo qisooyin dhab
ah oo ku saabsan dad damacooda fidnaysani
hoggaamiyay oo nolosha ku fashilmay iyo kuwa
isdabaqabtay oo inta iska adkaaday oo naftooda
xakameeyay ka dib na himilooyinkoodi ka dhabeeyay.
Waxa kale oo aad buuggan ugu tagi doontaa casharro ku
saabsan garashada ujeeddada nolosha iyo
muhiimaddeeda; iyo kor u qaadidda ama hinjinta
himilada.

Si kale haddii aan u dhigo, buuggani waxa uu
ku barayaa siraha ku duugan xiriirka ka dhexeeya guusha
iyo riyada sarraysa, riyada wayn. Eleanor Roosevelt oo
ahayd marwada koowaad ee Maraykanka (1933-1945)
sidaa oo kale na ahayd Diblomaasiyad ayaa laga hayaa
“mustaqbalka waxaa iska leh kuwa arkaya quruxda
riyooyinkooda” (the future belongs to those who believe
in the beauty of their dreams).

Sidaa oo kale Belva Davis oo ah wariye Maraykan ah ayaa tiri “ha ka baqin
barxadda u dhaxaysa riyooyinkaaga iyo xaqiiqada,
waayo haddii aad riyoon kartid waa aad samayn
kartaa” (=don’t be afraid of the space between your
dreams and reality. If you can dream it, you can make it
so). Mar kale murtiyahan/murtiyahanad aan la garanayn
ayaa laga reebay “yaysan ku hoggaamin dhibaatooyinku,
noqo mid riyooyinkeedu/kiisu hoggaamiyaan” (don’t be
pushed by your problems.

Be led by your dreams). Ugu dambayn, mawduucaani ma ahan mid Soomaalidu
wax badan ka qortay sidaas darteed waxa aan naawilayaa
in buuggaani booskaas bannaan si kumeelgaar ah u sii
dabooli doono inta qorayaasha Soomaaliyeed ee
mustaqbalku si mug leh mawduucaan wax uga qorayaan.

 

DOWNLOAD


 Back
Scroll to Top
Verified by MonsterInsights
Seraphinite AcceleratorOptimized by Seraphinite Accelerator
Turns on site high speed to be attractive for people and search engines.