Description:
Baro naftaada, Florence Scovel Shinn oo ahayd qoraa iyo farshaxamiiste
Maraykan ah ayaa laga hayaa: waxaa jirta oraah
gabowday oo oranaysa, ninku (qofku) keliya saddex
ujeeddo ayaa uu ugu holladaa adeegsiga erayada afkiisa
ka soo baxaya: “dhayid, mahdin ama hodmid (there is an
old saying that man only dares use his words for three
purposes, to “heal, bless or prosper…).
1 Malahayga, qofkii oraahdaas gabowday laga reebay haddii la haybin
lahaa sababta qof (qoraa) wax u qoro waxa uu oran lahaa
“maal, magac ama maciin.
Waxa aan oraahdaas gabowday u soo xigtay waa, muddo
dheer, ku dhowaad toban dabshid, baan la foolqaadayay
erayada iyo jumladaha dhiganahan, aniga oo kaadsanayay
Back